Maamulka SSC Khaatuma oo soo bandhigay Maxaabiis ay Somaliland uga qabteen dagaal

45

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku soo bandhigay degaano katirsan Gobolka sool Maxaabiis maalinimadii shaley ay ka soo qabteen Ciidada Somaliland kadib dagaal ka dhacay Aaga degaanka Buqdharkeyn ee Gobolkaas Sool.

Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyay Sawirada Askar iyo Saraakiil katirsan Ciidamada Somaliland oo dagalka lagu qabtay, kuwaas oo Maamulka Khaatuma uu ku eedeeyay inay ahaayeen kuwo dambiyo waawayn ka galay dadka SSC.

Xoghayaha Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Maamulka SSC-Khaatumo oo faah fahin ka bixiyay dagaalladii u dambeeyay ee ka dhacay Gobolka Sool ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland ay dhowr jeer soo weerareen Saldhigyada Ciidamada SSC Khaatuma, isaga oo baaq u diray dowladda Soomaaliya

Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Sool ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatuma, waxaana taasi ay keentay in Ciidamada Somaliland lagala wareego Magaalada Laas-Caanood iyo degaano kale oo kuyaalla Gobolka Sool.