Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay geerida Maxamed Xasan Barrow

52

Maareeye ku xigeenkii Golaha Murtida iyo Wacyi galinta Qaranka Maxamed Xasan Barrow ayaa caawa ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweis Jaamac ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska , ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Barrow oo ka tirsanaa Hobollada Qaranka Waabari.

Wasiirka ayaa Marxuumka Alle uga baryey inuu naxariistiisa janno ku irsaaqo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Inaa lilaahi Wa inaa Ileyhi Raajicuun,