(SAWIRRO)Kumanaan Qoys oo degan Tuulooyinka uu maro Webiga Jubba ee degmada Baardheere oo ka Barakacay Guryahooda

134

Waxaa marba marka ka dambeysa sii krdhaya Fatahaada uu sameynayo webiga Jubba ee mara degmada Baardheere,Fatahaada Webiga oo ah tii ugu balaarneyd ayaa sababtey in Kumanaan Qoys ay ka barakacaan Guryahooda,

Waxaa jira saameyn ka dhalatey Fatahaada webiga iyo Roobabkii cuslaa  ee da,ayey Maal mahan,waxaa gabaabsi ah helitaanka Cunnada,Daawada iyo adeegyada kale ee aas aasiga u ah Nolosha,waxaana xiran dhamaan wadooyinkii soo galayey Magaalada Baardhere iyo deegaanada ku xeeran.

Tuulooyinka ugu daran ee dadkii deganaa una badnaa Beeraleyda ay ka barakaceen ayaa waxaa ka mid ah.Shimbiroole,Beel la ooday,Hureenaa,Lebi ooman,Dhakaajo,Xagar buule,Mugdiile,Bullo cadey,Bullo Asharaf,Beladul Amiin,Xagar gandooble,Baciidley,Bulsho,Lebi cad,Dhoobley,Tawakal,Bilisyar iyo kuwa kale.

Waxaana ilaa muddo 7aad ah kala xiran dadka ,Gaadiidka iyo Xoolaha u kala gooshayey degmada Baardheere iyo deegaanada hoos yimaada,dhamaan Dadka ku nool tuulooyinkaasi ayaa dhibaatada Fatahada iyo Daadadka Roobka waxaa u sii dheer dhamaan Dalagyadii u baxayey ee Beeraha Waraabka ayaa baa,bay

Mana jiraan ilaa iyo hadda wax gargaar ah oo soo gaarey deegaanka,haddii xaalada ay sidaan ku sii socoto waxaa dhici kara dad in ay gaajo iyo Macaluul ay u dhintaan.