Faah Faahino ku soo baxay Qarax Ismiidaamni ah oo maanta ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Qarax ayaa loo adeegsaday Baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qarxiyay Saldhig ay ciidamo ka tirsan Dawlada Federaalka ku leeyhiin degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay 10 qof ayaa ku geeriyootay halka in kabadana ay ku dhaawacmeen waxaana dadka ku geeriyooday Qaraxa ku jira Dad shacab ah oo ka gadhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay .
Sidoo kale Qaraxa ayaa bur buriyay Guryo Dad shacab ah ay leeyhiin oo ku yaala Agagaarka Saldhiga uu Qaraxa ka dhacay .
Hay’adaha Amniga Dawlada Federaalka illaa hadda ma aysan ka hadlin khasaaraha ka dhashay Qaraxa ka dhacay Ceelasha Biyaha oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen Alshabaab .