Munaasabad balaaran oo lagu maamusayey Maalinta Cuntada Aduunka oo ku beegan 16ka Okotabar ayaa Maanta lagu qabtey degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,,waxaana Munasabadaasi ka soo qeyb galey Boqolaal dadweyne ah oo ay ku jiraan Mas,uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo,kan degmada Baardheere,Gudigga Beeraleyda,Ururada Haweenka degmada,Dhalinyarada iyo waxgaradka deegaanka.
Ugu horeen waxaa Munaasabada ka Hadley Saraakiil ka socotey Hay,adda FAO iyo Ururka DDA,waxayna ka warbixiyeen Muhiimada ay leedahay munaasabadan la xariirta Maalinta Cuntada Aduunka oo ku beegan maanta oo kale.
Ujeedada Munaasabada ayaa la xariirtey dhiiri gelinta wax soosaarka Beeraleyda degmada Baardheere iyo deegaanada hoos yimaada,Beeraleyda degmada ayaa soo bandhigey dalagyada kale ee ay soo saaraan,waxaana goobta ka Hadley xuno ka tirsan Gudiga Beeraleyda degmada iyo Isu duwayasha wasaarada Beeraha ee degmada Baardheere.
Gebabebadii Munaasabada ayaa waxaa ka Hadley Sheekh Maxamed Xuseen Alqaadi oo ah G.ku xigeenka Gobolka Gedo,Madaxa Arimaha Bulshada degmada iyo Madaxa Mashaariicda ,waxayna ka hadleen ahmiyadaay leedahay maalinta Cuntada Aduunka,waxayna ka codsadeen Hay,adda FAO iyo DDA in Beeraleyda ka taageeraan sidii ay u horomarin lahaayeen Wax soosaarka.