Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo gaar-gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug oo ay wehelinayaan Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid.
Madaxweynaha ayaa odeyaasha dhaqanka kala hadlay xoreynta deegaannada ay Al-Shabaab kaga harsan yihiin Galmudug, waxa uuna tilmaamay qorsheyaasha ku saleysan kala qeybinta dadka deegaanka iyo isku dirkooda ee ay maleegayaan , si ay u sii cimri-dheeraystaan, una hor istaagaan nolasha iyo horumarka Bulshada.
Kulankan oo qeyb ka ah kulammada abaabulka dadweynaha ee dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu ka wado Galmudug ayaa odeyaashu dhaqanku waxa ay uga mahadceliyeen Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro halkan xoreynta deegaannada iyo xaqiijinta Soomaaliya horumarsan oo nabad ah.