WFP oo yareysay Raashiinka Gargaarka ah ee ay siiso Qaxootiga Xeryaha Dhadhaab

11

Hay’adda cunnada Adduunka ee WFP ayaa dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha Dhadhaab u sheegtay in raashinkii deeqda ahaa ee la siin jirey qaxootiga la dhimayo 20% laga billaabo bishan July.

Hay’adda oo warkaa dadka ku gaarsiisay fariimo ay ugu dirtay telephone-nada gacanta ayaa talaabadaa ku macnaysay dhaqaale yari soo wajahday hay’adda.

Hase’ahaatee raashinka la dhimay ayaa saamayayay  dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya , iyada oo dadka ugu sii daran ay yihiin dadka xeryaha ku cusub ee aan iyagu weli loo aqoonsan qaxootiga rasmiga ah.