Faahfaahino kasoo baxaya iska hor imaad ka dhacay Dayniile + Khasaaraha

43

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad xalay ka dhacay gudaha degmada Dayniil ee gobolka Banaadir, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwo deegaanka ah oo ku sugnaa halkaasi.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah u dhex-maray ciidamo kala taabacsan taliyaha amniga Dayniile Maxamed Madoobe iyo nin kale oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Ajuuke oo gacanta ku haya kaamam ku yaalla degmadaasi, sida ay warbaahinta u sheegeen illo dadka deegaanka ah.

Khilaaf la sheegay inuu ka dhashay dil ay horay isugu geysteen laba askari ayaa haddana sababay inay isku dhacaan ciidamadaas oo kala taabacsan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Dayniile.

Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen laba mas’uul oo kale, kuwaas haatan lagu dabiibayo qaar ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan shaqaaqadaasi.