Bulshada Baardheere iyo dhamaan samafalayaasha Soomaaliyeed oo loogu Baaqey ka qeyb qaadashada dhameystirka Dhismaha Buundada Kurmaan ee magaalada Baardheere.

48
Waxaa heer wanaagsan oo gebo gebo ah maraya dhismaha Buundada Xaafada Kurmaan oo dhismaheedu bilahii la soo dhaafey ka socotay degmada Baardheere,Buundadani oo ah mid si isku tashi ah lgu dhisayo ayaa mareysa meel fiican.
kulan ay isugu yimaadeen ,Guddiga Horomarinta degmada Baardheere oo mas,uul ka ah dhismaha Buundada iyo Enjineerada Dhismaha Buundada ayey kaga wad hadleen siidii taageero dhaqaalo loogu heli lahaa dhameystirka Buundadan oo laf dhabar u ah nolosha dadka iyo deegaanka Baardheere.
Nabadoon Axmed Aden Axmed( Dhegacadde) oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga Horumarinta Degmada ahna Ku simaha Gudoomiyaha Guddiga Horomarinta degmada Baardheere ayaa ugu baaqey qeybaha kale duwan ee bulshada Baardheere iyo jaaliyadaha dibada.
iyo Sidoo kale dhamaan samafalayaasha Soomaaliyeed  ka qeyb qaadashada kharashaadka ku baxaya Buundada Kurmaan oo haatan dhismaheedu uu marayo wejigii ugu dambeeyey.
Sh.Maxamed Aden Waadi oo ah Gudoomiyaha Alraxma Foundation ahna xubina ka ah Guddiga Horomarinta degmada ayaa sheegay baahi weyn in loo Qabo ka qeyb qaadashada dhameystirka dhismaha Buundadan.
Dhismaha Buundada oo dadka deegaanka ay ku bilaabeen sida isku tashiga ah,maadama Buundadan ay ahmiyad balaaran u leedahay Bulshada Deegaanka.
Sidoo kale Eng Cumar Maxamed Aftooje oo Enjineerka guud ee Buundadan Ayaa uga mhad celiyey Qeybaha kale duwan ee ka qeyb qaatey dhismaha Buundada sida wanaagsan ee isku tashiga ay ku dhisanayaan Buundooyinka iyo wadooyinka laf dhabarka u ah dhaqaalaha yo nolosha dadka deegaanka.
waxuuna tilmaamay inta aan la gaarin xilli roobeedka Gu’ugga ee soo socda in ay muhim tahay in la dhamaytiro Buundadan, isagoo bulshada ku booriyey inay ka qeyb qaataan.