Hay’adda IOM oo walaac xoogan ka muujisay xaaladda magaalada Laascaanood

50

Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya, Faranza Kelestin, ayaa walaac ka muujiyay barakaca xoogan ee ka socda Magaalada Laascaanood, halkaasi oo maalintii 9-aad ay ku dagaalamayaan dadka Degaanka iyo Ciidanka Maamulka Somaliland.

Franz ayaa sheegay in tobanaan kun oo qof ay isaga barakaceen Magaalada, kuwaasi oo uu sheegay in xaalad nololeed ay haatan heysato .

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu xusay dadkii ka barakacay Magaalada Laascaanood ay u baahan yahiin gurmad naf-badbaadin, wuxuuna intaas ku daray in sidoo kale loo baahan yahay in mas’uuliyad la iska saaro ammaanka dadka ka barakacay Magaalada Laascaanood .

Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ayaa galay maalintii 9-aad, iyadoona dadkii halkaasi ku dhaawacay qaarkood la geeyay Isbitaallo ku yaalla Magaalada Garoowe, halka kuwa kalena la keenay Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha caafimaadka ayaa soo warrinaya in khaasaraha dhimasho ee dagaalka Laascaanood uu kordhayo maalinba maalinta ka dambeysa iyagoona sheegay in dhaawac uu marayo 400.

Si-kastaba, Magaalada waxaa ka barakacay in ka badan 80 kun oo qoys tan iyo todobaadkii la soo dhaafay markii halkaasi ka qarxay dagaal u dhaxeeya dadka degaanka iyo ciidanka Maamulka Somaliland.