Somaliland oo War cusub kasoo saartay dagaalka ka socda Laas-Canood

51

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in kal hore ay ku dhawaaqday xabad-joojin bilaa shuruud ah, balse  xabad joojintii markale ay jebiyeyen kooxo ku soo duulay nabad-galyada iyo xasilooni magaalada Laascaanood, kuwaas oo weerar kusoo qaaday Saldhigyada Ciidamada.

War kasoo baxay Wasiir kuxigeenka Amniga Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland ayaa waxaa algu sheegay in saaka la soo weeraray  Xafiiska Guddoomiyaha  Gobolka Sool ,  Fariisimada Ciidanka Somaliland ee Magaalada  Laascaanood., hayeeshee Ciidamadooda ay weerarkaasi kaga jawaabeen is difaacid.

“Xukuumadd ahaan waxa aanu cadaynaynaa in shacabka magaalada Laascaanood ay la mid yihiin muwaadiniin reer Somaliland ee ay horeba uga midka ahaayeen, waxase jirta siday hore xukuumaddu  ugu dhawaaqday in ay dagaalka laascaanood qayb ka yihiin, hurinayaana kooxo argagixisada ka tirsan, kuwaasi oo diidan in xabad joojinta laga dhabeeyo, gaboodna ka dhiganaya shacabka Laascaanood ayaa lagu yiri” Warka.

Dhinaca  Somaliland ayaa sheegtay in aaga hore ee degaanka  Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidanka sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub, iyada oo Ciidamada Somaliland mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood  oo joogto ah.

Ugu dambayn Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay ogaysiinayso Bulshada reer Somaliland, Beesha Caalamka iyo dadka nabada jecelba inay wali xabad joojin bilaa shuruud ah ay dhankeeda dhaqan-gal ka yahay.