Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

49

Wafdi culus oo ka socdo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana hoggaminayo Wasiirka Gaashaandhigga ee dalkaasi, Xasan Maxamed Cumar.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti, Xasan Maxamed Cumar ayaa la filayaa inuu wada-hadallo la yeesho madaxda sare ee dalka, inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha saaxibka la ah Soomaaliya, maadaama ay yihiin daris iyo walaalo, waxayna sidoo kale ka qayb-qaadataa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Si kastaba, waxaa horay magaalada Muqdisho u yimid madaxweynaha dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle oo wada-hadallo maalmo qaatay la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh.