Dhageyso+Sawirro;Gudoomiyaha Baardheere oo Bulshada deegaanka ugu baaqey in ay ka shaqeeyaan Arimaha Nadaafada

74

Maxamed Weli Yusuf Qorax oo ah Gudoomiyaha Maamulka degmada Baardheere oo la hadlayey Warbaahinta Markabley ayaa ugu Baaqey Qeybaha kale duwan ee Bulshada ku dhaqan Baardheere in ay ka shaqeeyaan ka qeyb qaadashada Horomarinta Nadaafada degmada iyo la shaqeynta ciidamada Amniga deegaanka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Todobaadkan ay si weyn ugu shaqeeyeen Ololaha Nadaafada Deegaanka,Qof kasta oo ku nool degmada,Qof,guri,xafiis,goobaha maqaayadaha iyo Suuqyada looga fadhiyo in ay ka qeyb qaataan Nadaafada Deegaanka,waxaan marnaba gorgortan laga gali doonin ayuu yiri in dadka lagu beryo inay nadaafada ka shaqeeyaan.

Ciddi aan ka qeyb qaadan nadaafada ,islamarkaana aan u hogaan samin Awaamiirta ,laguna arko guryahooda iyo goobahooda Qashin iyo  wasaq waxay  muteysan doonan  ganaax lacageed iyo Xarig.

HOOS KA DHAGEYSO SHIRKA JARAA’ID EE GUDOOMIYAHA BAARDHEERE.