Maxaa kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka dhacay Muqdisho

37

Xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa xalay saq-dhexe lagu soo gabagabeeyay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedka iyo gobolka Banaadir.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga doodey ajandeyaashii lagu balansanaa ee Astaynta Awoodaha ee heerarka dowladda iyo Hannaanka Federaaleynta Garsoorka. Sidoo kale, Golaha ayaa iska wareystay xaaladda amni ee dalka, geedi-socodka dimuqraadiyadeynta iyo saameynta abaaraha.

War-murtiyeedka ay soo saareen xubnaha Golaha ayaa waxaa lagu xusay illaa 5 qodob oo ay labo ka mid ah ay diiday inay saxiixdo Puntland.

Labada qodob ee ay ka hortimid Puntland ayaa kala in la Federaaleeyo Garsoorka iyo qodobka kale ee ah Asteynta Awoodaha Heerarka oo ay sidoo kale Puntland iska diiday.

Xubnaha Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ee haatan howlgallad ka wada gobollada dalka.

Sidoo kale Golaha ayaa ka hadlay dhacdadii Baydhabo, ayaga oo tacsi u diray ehelladii dadkii ku dhintay dagaalkii 23-kii Diseember ka dhacay gudaha magaaladaasi.