Gudiga Horomarinta Baardheere oo ka warbixiyey halka ay mareyso Dhismaha Buundada Kurmaan(Wareysi)

54

Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa si habsami leh uga soconayey degmada Baardheere ee Gobolka Gedo dhismaha Buundada Xaafada Kurmaan oo iminka loo gudbey wejigii labaad,bilaha soo socda ee sanadka cusubna rajo laga qabo dhameystirka dhismaha Buundadaasi oo lagu dhisayo si isku tashi ah.

Nabadoon Axmed Aden Axmed(Dhegacade) oo ah Ku simaha Gudoomiyaha Gudiga Horomarinta degmada Baardheere oo wareysi siiyey Radio Markabley  ayaa sheegay dhismaha Buundada in ay mareyso heer wanaagsan,qeybaha kale duwan ee bulshada oo ay ku jiraan xoolo dhaqatada in ay bilaabeen ka qeyb qaadashada Buundada.

Wariyaheena Axmed Cumar Saalixi oo wareysi la yeeshay Gudoomiyaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey Mustaqbalka dhismaha buundada,isagoona sheegay shaqada in ay socoto,wejiga labaadna loo gudbay,mar uu arimahaasi ka hadlayeyna waxaa uu yiri.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA Nabadoon Dhegacade