Barakacayaal ku dhibaateysan Duleedka Baardheere oo Codsadey in la gargaaro(SAWIRR0)

64

Waxaa laga deyrinayaa xaalada Nololeed ee ay ku sugan yahiin Boqolaal Qoys oo degan Xerada Barakaca ee Camp Kula nee ku taala Duleedka Baardheere ,Dhibaatooyinka ay ka cabanaayn Qoysaskaasi oo u badan Beeraley iyo Xoolo dhaqato oo gaaraya ilaa 480 Qoys oo ay salki ciyeen Abaarta ayaa waxaa ka mid ah Cunno la,aan,Hoy la,aan,Biyo Yari iyo adeeega Caafimaadka oo aad u liita.

Maxamed Cabdi Yuusuf oo ah Gudoomiyaha Xerada Camp kulan iyo Qaar ka mid Qoysaska degan Xerada Barakaca ee Camp Kulan ayaa ka warbixiyey Dhibaatada xaga nolosha ah ee ay Qabaan.

Ugu dambeen Qaar mid ah Horjoogayaasha Xerada Barkaca Camp Kulan ayaa soo jeediyey Codsi baaq ah oo ku aadan in gargaar bini,aadinimo oo deg deg ah klala soo gaaro.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale dhibaatooyin xaga nolosha ah ay ka taagan tahay Xerada Barakaca Midnimo ee ku taala duleedka Bari ee magaalada ayaa waxaa ka taagan daruufo Qalafsan oo xaga nolosha ah.

Ciisa cali Keerow oo ah Gudoomiyaha Xerada Barakaca ee Midnimo ayaa sheegay in dad ka badan ilaa 350 qoys oo ka soo kala barakacay deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo,Bay iyo J.dhexe in ay halaasi ku dhib qabaan.

Dhibaatooyinka ugu daran ayuu sheegay in ay ugu weyn tahay,Cunno la,aan,Biyo La,aan iyo hoy la,aan.

Gudoomiye Ciise Cali Keerow ayaa soo jeediyey Codsi baaq ah oo ku aadan in gargaar bini,aadinimo oo deg deg ah klala soo gaaro.