Ammaanka degmada Ceelwaaq oo la adkeeyay kadib digniino soo baxay

54

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya maanta dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Ciidamada ammaanka Jubbaland iyo kuwa Kenya ee ku sugan halkaasi ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka bilaabay halkaasi, kadib digniino amni oo soo baxay.

Saraakiisha labada dhinac oo xalay shir ku yeeshay degmada Ceelwaaq ayaa go’aamiyey in si wadajir ah la’isaga kaashado amniga degmadaas, si looga hortego weerarada Shabaab.

Ceelwaaq ayaa ka mid ah magaalooyinka dhaca koonfurta Soomaaliya, waxaana inta badan ka dhaca weeraro ay ka geystaan xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Gedo.

Share this: