Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Talaado ah waxaa ay fagaaro kuyaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ku toogatay Cabdullahi Cali oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu helay dilal uu geystay.
Maxkamadeynta Cabdullaaahi Cali Aadan ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana xukun dil toogasho ah lagu riday sanadkii 2020 kadib markii lagu helay in uu dilay Ex dable Ciise Cabdullaahi Cali 26-kii Bishii 11aad ee sanadkii 2018-kii xilli uu socday weerar kagu qaaday Xaruntii Magaalada Gaalkacyo uu kulahaa Sheekh Cabduwali Sheekh Cali Cilmiyare.
Goobta fagaaraha toogashada ahaa ayaa waxaa kusuganaa Saraakiil katirsan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, mas’uuliyiin katirsan maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug iyo Ehellada labada marxuum
Kuxigeenka Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Buulle oo fulinta xukunka dilka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dilka toogashada ah ee Maanta la fuliyay ay tahay qisaastii Maxruum Ex dable Ciise Cabdullaahi Cali .
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waday fulinta xukunadii dilka ahaa ee dhacay sanadihii la soo dhaafay, waxaana dilalka lagu fulinayay rag katirsan Ururka Al-Shabaab