Hay’adda samafalka ee HIRDA oo deeq lacageed soo gaarsiisey Gudiga Horomarinta Baardheere (SAWIRRO)

84

Hay’adda samafalka ee HIRDA ayaa deeq lacageed soo gaarsiisey Gudiga Horomarinta degmada Baardheere,Deeqdaasi ayey hay;addu sheegtay in ay kaga qeyb qaadenayso Dhismaha Buundada Kurmaan ee howsheedi ay iminka ka socoto Degmada Baardheere.

Deeqdan lacageed oo gaareysay ilaa $5000 oo Dolar ayaa Goobtii lagu lagu wareejinayey waxaa goob joog ka ahaa Maamulkas degmada Baardheere oo lacagta kaalmada ah ku wareejiyey Gudiga Horomarinta Degmada Baardheere si kaalmadan ay qeyb ugu noqoto Maamulka degmada si ay qeyb ugu noqoto shaqada ka socoto Buundada Kurmaan.

Cabdi weli Cumar Cigaal oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Hay’adda HIRDA ayaa sheegay Deeqdan oo ka timid HIRDA in ay ugun talo galeen ka qeyb qaadashada Buundada Kurmaan oo lagu dhisayo si isku tashi,isagoona sheegay talaabadan in ay jawaab u tahay Codsigii Gudiga iyo Maamulka degmada.

Maamulka Degmada Baardheere iyo Gudiga Horomarinta ayaa bogaadiyey talaabadan Deeqda ah ayaa waxayna ugu Baaqeen Hay’adda Samafalka,DF ee Soomaaliay,Qurbajoogta iyo Qeybaha kale duwan ee Bulshada deegaaanka in ay ka qeyb qaataan dhismaha Buundadan oo ahmiyad balaaran u leh dadka deegaanka.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRADA MUNAASABADA WAREEJINTA LACAGTA TAAGEERADA BUUNDADA KURMAAN