Khasaaro ka dhashay dab ka kacay Guri kuyaalla Muqdisho

42

Dabkan oo geystay khasaaro hantiyadeed ayaa Maanta waxaa uu ka kacay Guri kuyaalla Suuqyaraha degmada Cabdul casiis ee gobolkan Banaadir, kaas oo sida la sheegay ka bilaawday koronto.

Dabka ayaa dhammaan waxaa uu baabi’iyay hantidii taallay guri ay Guriga uu ka kacay oo ay ku noolaayeen qoys ka kooban Shan Ruux, hayeeshee majirin wax khasaaro nafeed oo ka dhashay.

Gawaarida dab demiska ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadweyne kale oo tegay guriga ayaa ugu dambeyn waxaa ay ku guuleysteen inay damiyaan muddo saacado ah kadib oo uu dabka baabi’iyay guriga

Feysal Maxamed Cabdi oo ah Aabaha qoyska uu gurigooda dabka ka kacay ayaa Risaala Tv u sheegay in dabka oo ka dhashay koronto uu dhammaan baabi’iyay wixii hanta ah ee u yaallay guriga balse aysan jirin wax khasaaro nafeed ah oo qoyskooda kasoo gaaray.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in xilliga dambka uu kacayay uu Guriga ka maqnaa balse markii loo yeeray ee uu yimid dabka oo dhammaan guriga ku faafay, isla markaana hantidii oo dhan uu baabi’iyay, hayeeshee wax kasta ay qadar alle ku timid.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad u yaraaday dabka ka kacay guryaha iyo goobaha Ganacsiga, iyada oo mararka qaar dabka ka kaca Goobaha Ganacsiga uu saameyn xoogan geysto markii la waayo waddo loo marsiiyo Gawaarida dab demiska.