Madaxweyne Mustafe Cagjar oo booqday deegaano dhaca xadka Soomaaliya

32

Wefdi uu hogaaminayo madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa maanta socdaal ku tegay gobolka Afdheer, gaar ahaan deegaanka Caato ee xuduudka ay la wadaagaan Soomaaliya.

Madaxweyne Cagjar ayaa waxaa booqashadan ku wehelinaya mas’uuliyiin deegaanka ka mid ah, kuwaas oo u kuur galayaa xaaladaha ka jira halkaasi.

Madaxweynaha dowlad deegaanka ayaa kulan la yeeshay ciidamada halkaasi ku sugan ee wada dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale dhagax dhigay dhismaha isbitaal weyn oo laga dhisayo degmada Baarey ee gobolka Afdheer.