Sidee ayuu u dhacay dilka toogasho ee Somaliland ku fulisay Afarta qof?

53

Somaliland ayaa Maanta Goob fagaaro ah oo kutaalla Banaanka Xabsiga Mandheera waxaa ay ku toogatay Afar Ruux oo lagu eedeeyay inay horay dilal u geysteen, kuwaas oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay horay xukun dil ah ugu riday.

Afarta ruux ayaa waxaa kujira Korneyl ka tirsanaa Ciidanka Millatariga Somaliland, kaasi oo horey Magaalada Hargeysa ugu dilay Gabar lagu Magacaabi jiray Najma Cabdillaahi Maykal, halka eedeysane Shanaad dilkiisa la joojiyay kadib markii laga heshiiyay, isaga oo tiirka ku xiran.

Goobta toogashada ayaa waxaa ku sugnaa qaar kamid ah Eheladda dadka la toogtay iyo dadkii ay horay u dileen & qaar kamid ah dad u soo daawasho tegay sida uu u dhacao falka qisaasta toogashada ah.

Qaar kamid ah Ehellada dadkii horay u dileen ragga Maanta la toogtay ayaa soo dhaweeyay xukunka qisaasta ah, iyaga oo sheegay in si cadaalad ah uu u dhacay, isla markaana ay dalbanayaan in qo kasta oo dilka geysto sidaan loo qisaaso.