Hoos u dhac balaaran oo ku yimid Qiimaha khudaarta Suuqyada Baardheere.

60

Hoos u dhac balaaran oo dhinaca qiimaha lagu gato khudaarta bisil ee ay ka mid yihiin Yaanyada,Basasha,Mooska,Qaraha,Basbaaska,Bocorka iyo Bagalka ayaa laga dareemayaa suuqyada lagu iibiyo khudaarta ee Magaalada Baardheere.

Waxaana qiimo dhacani uu yimid, ka dib markaa khudaarta noocan ah ee beeraha waraabka ka soo go’day ee suuqyada Baardheere la keenay ay ka badatay baahidii ama dadkii iibkeeda u diyaarka ahaa, taasi oo dhalisay in qiimahaheedii uu dhulka galo.

Saamayn aad u balaaran ayuu ku yeeeshay hoos u dhacan beeralaydii khudaarta seddex bil ka hor beeratay,ismarkaana Beerahooda kharashka badan geliyey si ay u macaashan,balse dhibaatooyinka soo gaarey Beeraleyda ayaa waxaa ka warbixiyey Ibraahin Xuseen Xasan oo leh beer cabirkeedu dhan yahay 7 hektar kuna leh Tuulada KUKATO oo ka Tirsan degmada Baardheere, una jirta 25km kagana began jihada Koonfureed.

“Beertaydu waxa ay ku taalaa Tuulada Kukato, waxa aan ka beeray khudaar ilaa 4 hektar,3 hektarna waxaan ku beeray Galey,Digir iyo Sisin,iyagana cayayaan ayaa iga baa,biyey, markaa maanta waxa aan lahaa dhiilka faqriga ayaad tuuraysaa, balse noolkii aan halkaas kaga keenay ayaaba la igu yeeshay Deyn oo lacag dhan ilaa $1300 oo dolar ayaa iga galey fasalkan suuqu maanta maalin uu ka xun yahay ma jirto”ayuu yiri Ibraahin Xuseen Xasan.

Seddex bil ka hor Qiimaha khudaarta ay ka joogtey Magaalada Baardheere ayaa waxay ka hoos martey 60%,arintani ayaa dhaqaalo xumo waxay ku keenaysaa Beeraleyda Waraabka oo xilligan gugii iyo xagaaga xooga saarey tacabka Beeraha ,iyadoo dalagyadana hal mar ay soo wada go,een.
Aamino mad Dhubow iyo Iisho Xasan waxay ka mid tahay Haweenka Suuqleyda ah ee ka Ganacsada Dalagyada ka soo go,a Beeraha,gaar ahaan Khudaarta oo ay ka ganacsaneysay muddo ka badan ilaa 12 sanno,waxay ka warbixisey.

Xabiibo bashiir waa hooyo 53 sanno jir ah qoyskeedxuna uu ka kooban yahay ilaa 11 ruux,waxay ka mid tahay ganacsatada yar yar ee noloshooda ay ku tiirsan tahay iibin dalagyada ka soo go,a beeraha,waxayna sheegtay hoos u dhaca maalmahan ku yimid qiimaha khudaarta in nolosheeda ay ku yeelatey saameyn balaaran,taasina waxay ku sheegtay beeralyda oo isku mar khudaar beeray,iyadoo isku marna beeraha ay soo go,een.

Khudaarta oo aan keyd geli karin, qaarkeedna aan oolli karin wax ka badan toddobaad ayaa beeraleyda yaryar khasab uga dhigeysa inay ku iibsadaan qiimo kasta oo ay ku helaan, balse beeraleyda waaweyn ayaa fursaddan uga faa’ideysanaya inay u suuq-geeyaan magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

“Tanagga yaanyada ah oo bil ka hor ahaa 490 oo kun oo sh so ayaa maanta waxuu marayaa 30 kun oo sh.so ,halkii bocor ah oo maalmo ka hor lagu kala gadanayey75kun oo sh.So ah ayaa maanta waxuu marayaa 13kun oo sh so,liin-dhanaanta 20 kg horey waxay ahayd qiimaheeda 90kun maantana waxay maraysaa 40kun oo sh so,markii khudrada ay qaaliga ahayd nolosheena wey wanaagsaneyd maalintii lacag dhan 120 kun oo sh.so ayaa heli jirey,balse maalmahan wax ka yar ilaa 50 kun oo sh.so ayaa i soo gasha kuma filna nolosha qoyskeyga sidaasi waxaa tiri xabiibo bashiir .