Dagaal ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose & faah faahin laga helayo

5

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.

Dadka degaanka Taabta ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale dadka waxaa ay sheegeen inay casbi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqdin qabeen inay waxyeelo kasoo gaartao dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhiga ay ku sugan yihiin la weeraray.