Kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Deni oo wax natiijo ah kasoo bixin

11

Kulamo maalmo qaatay ayaa Magaalada garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa uu ku dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tegay halkaas iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulamada ayaan ilaa iyo hadda wax natiijo ah oo la taaban karo kasoo bixin markii laga reebo qoraal kooban oo habeen ka hor kasoo baxay Villa Somalia, kaas oo lagu sheegay in ay labada madaxweyne ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sakariye Maxamed Isticmaar oo kamid ah dhinacyadii uu Madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmay magaalada Garoowe ayaa sheegay in kulamada kaliya ay ahayeen kuwo sigaar ah u dhexmarayay Madaxweyne Xasan Sheekh & Deni, isla markaana laga reebay dhammaan Wasiiradii la socday Madaxweyne Xasan Sheekh & Wasiirada Puntland.

Aqoonyahan Sakariye oo Wareysi siiyay Radio Risaala wuxuu sheegay in Arrimo u gaar ah labada Madaxweyne oo ay ka wada hadleen darteed loo ogaan waayay waxyaabihii ay ka wada hadleen, sidoo kalena aysan jiri doonin wax Warsaxaafadeed ah oo ay kasoo saari doonaan Kulankooda.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in labada Madaxweyne ee Xasan Sheekh Maxamuud & Saciid Cabdullaahi Deni aysan soo bandhigin wax ajando ah oo ku saabsan kulamadoodii, maadaama aysan jirin khilaaf xilligaan ka dhex-jiray dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedka Puntland.

Marka laga so tago kulamadii ay yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Madaxweynaha Puntland Sacdiid Cabdullaahi Deni ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in Puntland ay ka aqbashay Madaxweyne Xassan, in ay martigaliso shir wada-hadal oo ay iskugu imaanayaan Madaxda dawladda Faderaalka & Dawlad gobaleedyada.