Doorasho golaha deegaanka ah maanta ka dhaceysa Puntland

72

Maanta oo Arbaco waxaa lagu wadaa in Degmada Ufayn ee Gobolka Bari lagu qabto doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka golaha degaanka oo ku soo baxay doorashadii qof iyo cod ee qabsoontay 25-kii October.

Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC oo hore u shaaciyay Natiijadii doorashadii qof iyo cod ahayd ayaa sheegay in kaalinta kuraasta ugu badan Xildhibaanada uu helay Xisbiga Kaah oo u hoggaamiyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale, Ururada Mucaaradka ah ayaa iyaguna kuraas fiican ka helay doorashada kuwaas oo kala ah Ururka SINCAD 7 Kursi iyo Mideeye 8 Kursi.

Ururada Sincad iyo Mideeye ayaa midow samaystay waxayna ku heshiiyeen in ay iska taageeraan doorashada labada degmo ee kala ah Qardho iyo Ufayn iyagoo isku afgartay in SINCAD ufayn qaadato mideeyena Qardho.

Doorashada maanta ka dhaceysa Degmada Ufayn ee Gobolka Bari waxaa ku tartamaya musharrax Axmed Maxamud Jeenisayr oo ka socda Xisbiga Kaah iyo Axmed Abshir Dhega-bir oo ka socda ina xis Sinaan Iyo Caddaalad.