Somaliland oo baaq u dirtay Beesha Caalamka

65

Xafiiska Madaxweynaha Somaliland, ayaa soo saaray warqad laba bog ka kooban oo baaq Caalami ah loogu diray Xubnaha Beesha Caalamka si taageero loogu raadiyo Dadkii uu saamayay musiibada Dmdabka ee ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa.

Warqadaan oo uu ku saxiixan yahay Muuse Biixi, waxaa ku xusan warbixinta hordhaca ah oo ay soo saareen guddida taakulaynta ee dadkii ku waxyeelloobay dabkii suuqa Waaheen.

Hargeysa (SLNTV)Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray baaq caalami ah oo uu ku saxeexan yahay looguna talo-galay in taageero loogu raadiyo dadkii ay saamaysay musiibada dabka ee dhawaan baabi’isay suuqa weyn ee Waaheen, baaqaas oo ku socda beesha caalamka, kuna lifaaqan tahay warbixinta hordhaca ah ee ay soo saareen guddida taakulaynta heer qaran ee dadkii ku waxyeelloobay suuqa Waaheen.

Sidoo kale, Somaliland ayaa sheegtay in Suuqan Waaheen lagu qiimeeyay inuu yahay mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee ugu dhaq-dhaqaaqa badan Somaliland, islamarkaana uu xuddun u ahaa dhammaan wax kala beddelashada lacagaha qalaad ama ganacsi ee u adeegi jiray guud ahaan dad Somaliland iyo inta badan dalalka jaarka.