Wakiilada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa waxaa ay wadaan dadaalkii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii waqti dhow loogu soo geba-gabeyn lahaa guud ahaan doorashada Soomaaliya oo dhaaftay xilligii loo asteeyay.
Doorashada Golaha Shacabka iyo ayaa intooda badan soo dhamaatay marka laga reebo Maamulada Jubbaland & Hir-Shabeelle oo ay ku harsan yihiin tiro Xildhibaano ah, kuwaas oo dib ugu dhacay culeyso heysta Maamuladaas.
Wakiilada Beesha Caalamka iyo dalalka Daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa ay cadaadis saarayaan xilligaan Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Hir-Shabeelle si ay deg deg ugu qabtaan doorashada kuraasta ku harsan degaannadooda, waxaana dhowr jeer ay ku xuseen qoraalo ay soo saareen.
Wararka la helay ayaa sidoo kale sheegaya in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Edward André uu sitoos ah ula xiriiray Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Hir-Shabeelle Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe, isaga oo ugu baaqay inay si deg deg ah ku dhameystiraan doorashada.
Maamulka Jubbaland ayaa waxaa u harsan doorashada 16 kursi oo taalla Magaalada Kismaayo, kuwaas oo ay isku heystaan Villa Somaalia & Madaxweynaha Jubbaland halka Maamulka Hir-Shabeelle la filayo in todobaadka soo socda ay bilaabaan doorashada lix kursi oo lagu qabanayo Magaalada Jowhar, waxaana kujira kursiga Hop#135 oo ay ka geeriyootay Aamino Maxamed Cabdi.