Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa dab qabadsiiyay Guryo ay lahaayeen dad shacab ah oo ku yaalay degaanka Cadalle oo hoostaga Magaalada Wisil ee Koofurta Gobolka Mudug, Xili dadkii lahaa ay ugu barakaceen abaarta daran eek a jirta Gobolka.
Sidoo kale, Deegaanka Cadalle si gaar ah Guryaha la gubay waxaa tagay qaar ka mid ah Maleeshiyaadka Macawisleyda deegaannka Bajeela kuwaas oo halkaa ka fuliyay howlgal baaritaano ah kaas oo lagu sugayay Amnigga deegaanka Cadalle oo hoostaga Magaalada Wisil ee Koofurta G/Mudug
Dhinaca kale, Sawirro laga soo qaaday Guryaha la gubay oo lis kula wadaagay baraha bulshada waxaa ay muujinayeen in guryaha qaarkood ay noqdeen kuwa dabka ku basbeelay, halka kuwa kalena uu aad u saameeyay dabka.
Lama oga sababta rasmigaa ee ka dambeysa arrinaan, balse tiro dhowr jeer oo hore ayey Al-shabaab ku gubeen Guryo ay dad shacab ah lahaayeen, kuwaas oo ku yaalay deegaaano iyo degmooyinka ka tirsan koofur iyo bartamaha Soomaaliya.