Guddoomiyaha Degmada Doolow xubno ka mid ah maamulkiisa waxgaradka, cuqaasha iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa kulan la qaatey wafdi ay hogaaminayso ku xigeenka Ha’ayadda Cuntada Adduunka ee WFP Soomaaliya Lara Fozi
Soo dhaweyn iyo isbarasho ka dib Maamulka iyo qeybaha kale bulshada ayaa Ha’ayadda WFP kaga mahad celiyey caawinaada ay u samaynayaan qaar ka mid dadka danta yar ee ku nool Degmada tulooyinka Barakacayaasha waxayna ka codsadeen in la kordhiyo madaama abaarta ay gaartey meeshii ugu adkeyd sidoo kale waxa ay warbixin ka siyeen xaalada guud ee abaareed ee ka jirta degaanada Gobolka Gedo iyo sidoo kale bulshada tirada badan ee ku soo barakacaya Degmada kuwaasi oo u baahan in gargaar dhinacyo badan leh loo fidiyo
Ku-xigeenka Haayada WFP Lara Fozi ayaa maamulka kaga mahad celisey soo dhaweynta ay u sameyeen iyo warbixintii guud ay ka siiyeen xaalada abaareed, iyagoona sidoo kale balan qaadey in sii wadi donaan caawinaada iyo gargaarka ay u sameynayaan dadka somaliyeed ku nool Degmada
Taliye ku xigeenka Ciidanka Nisa ee Gobolka Gedo Cabdiqaadir Xuseen Ibraahin oo kulan qeyb ka ahaa ayaa sarakiishan la wadaagey in degaanka uu yahay mid nabad ah ayna u gurman karaan dadka xoolo dhaqatada ee ku nool miyiga si looga baaqsado in ay u soo barakacayaan Degmada