Kadib markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye ( Qoor Qoor) uu dhawaan u yeeray Xildhibaannada labada Aqal ee Galmudug laga soo doorto ayuu xalay kulan waxaa uu kula yeeshay madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb.
Kulanka oo ahaa mid is xogwareysi ah ayaa Madaxweyne Qoor Qoor wuxuu kala hadlay Xildhibaannada inay Midoobaan, isla markaana ay si dhab ah ugu adeegaan dadka ay matalaan.
Kulanka ayaa sidoo kale Madaweynaha uu kusoo dhaweeynayay Xildhibaannada maadaama ay kujiraan kuwo kucusub Siyaasadda, iyaga oo uga mahad celiyay soo dhaweynta uu u sameeyay.
Horay Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay kulamo gooni gooni ah la yeeshay Xildhibaannada labada Aqal oo degaannadooda laga soo doortay.