Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si adag u cambaareeyay qaraxii xalay ay Al-Shabaab ka geysteen Magaalada Beledweyne Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay ehelada iyo qaraabada Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, Masuuliyiinta iyo shacabkii ku nafwaayay weerarkii Magaalada Beledweyne
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn amray Maamulka Gobolka Hiiraan iyo laamaha amaanka inay adkeeyaan amaanka, baaris dhameystirana ku sameeyaan falalkii xalay ka dhacay magaalada oo uu sheegay in dad waxgal ahaa ay ku dhinteen.