Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Caawa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku qabtay doorashada hal kursi oo siweyn loogu tartamay.
Kursiga doorashadiisu dhacday oo ah Hop#004 ayaa waxaa wareegii koowaad ku tartamay Shan Musharrax, balse wareegii labaad ay usoo gudbeen Cabdinaasir Xaaji Shirwac & Marwo Bilan Maxamed.
Cabdinaasir Xaaji Shirwac ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#004 ee xubinnimada Golaha Shacabka doorashada wareegii labaad, isagoo helay codad gaaraya 61-cod halka musharaxii kale ee Marwo Bilan Bile Maxamed ay heshay 40-cod.
Wax codod ah oo halaabay ma jirin, waxaana Wadarta guud soo xaadirtay Ergada ay aheyd 101 qof, iyada oo Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ay shaaciyeen in mursiga Hop#004 uu ku guuleystay Mudane Cabdinaasir Xaaji Shirwac Maxamed.
Waa doorashadii labaad ee Golaha Shacabka, taas oo si aad ah loogu tartamay, waxaana dhawaan ay aheyd Markoii doorasho ka dhacday Magaalada Gaaalkacyo uu ka dhacay tartan xoogan.