Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Wada-hadalada kala dhaxeeya DF Soomaaliya

24

Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeediyay Mareykanka ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay colaad iyo xumaato u hayso Somaliland, isla markaana ay awoodeedii iskugu geysay inay isku daydo inay curyaamiso dawladda Somaliland siyaasiyan iyo dhaqaale ahaanba.

Madaweyne Muuse Biixi wuxuu caddeeyey inay Somaliland xeebaheeda ka hirtay budhcad baddeeda, isla markaana ay la casriyeeyey marsada Berbera oo xilligan isu diyaarinaysa inay noqoto xuddunta marin ganacsiyadeedka gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in bogcadda muhiimka ah ee ay ku taallo iyo duruufaha ka jira gobolka Geeska Afrika ay Somaliland ka dhigeen mid muhiimad ballaadhan u leh gobolka iyo beesha caalamkaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey wadahadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu xusay in wadahadalladaas oo la bilaabay sannadkii 2012kii Qoddobkii lixaad ee ka soo baxay shirkaasi uu dhigayey in labada dhinac u wada hadlaan laba dal oo siman, waxaanu iftiimiyey in aan laga gaadhin horumarkii laga filayey isla markaana qoddobadii farsamo ee lagu heshiiyey ay mar walba carqadeynaysay Soomaaliya. Waxaanu tilmaamay in 9 wareeg oo labada dal ku kulmeen tobankii sannadood ee la soo dhaafay ay burburisay dawladda Soomaaliya.