Madaxweyne hore Barack Obama oo laga helay Covid-19

41
PARIS, FRANCE - DECEMBER 02: Former US President Barack Obama delivers a speech during the 7th summit of "Les Napoleons" at Maison de la Radio on December 2, 2017 in Paris, France. Obama is the exceptional guest of "Les Napoleons" summit, a bi-annual symposium, created in 2015, dedicated to all the actors of innovation in communication and development around the world. (Photo by Chesnot/Getty Images)

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa ayaasheegay in laga helay cudurka Safmareenka ah ee COVID-19, sida uu ku shaaciyay Twitter-kiisa.

Sidoo kale waxaa baaritaan la xiriira cudurka lagu sameeyay Xaaskiisa Michelle Obama, balse waxaa uu sheegay in laga waayay cudurka baaritaan kadib.

Obama ayaa yiri “Waxaa maray baaritaanka xanuunka COVID, kaddib maalmo kooban oo aan wax ka dareemay cunaha, laakiin sida kale waan fiicanahay, Aniga iyo Michelle waa nala tallaalay, iyada lagama helin xanuunka balse anniga ayaa la iga helay COVID-ka. Waan idin xusuusinayaa in aad qaadataan talaalka looga hortago Cudurka”.

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Barack  Xusen Obama ayaa haatan ku sugan dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Washington halkaas uu dhawaan tagay.