Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa qadka talefonka kula hadalay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya Danjire Larry Andre’.
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladaha amniga, dhameystirka arrimaha doorashooyinka iyo ilaalinta qoondada haweenka.
Madaxweynaha ayaa faahfaahin ka bixiyay arrimaha amniga, qancinta beelaha iyo sidii daahfurnaan loogu dhameystiri lahaa doorashooyinka, dhanka kale Danjiraha ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha sida hufan ee uu u maareeyay dadaalada dib u heshiisiinta iyo arrimaha doorashooyinka.