Guddiga hirgelinta heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta diiwaangeliyay musharrixiinta lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo doorashadooda Maalinta beito ah ka dhaceyso Magaalada Baydhabo.
Musharixiinta la diiwaangeliyay ayaa waxaa la sheegay inay buuxiyeen shuruudaha musharraxnimo si ay uga qeyb galaan doorashada, iyada oo badi meesha laga saaray Xildhibaannadii horay ugu fadhiyay lixda Kursi, waxaana musharrixiinta maanta la diiwaangeliyay ay kala yihiin.
1: Cabdisalaan Cali Cabdi iyo Cabdi Maxamuud Maxamed oo u tartamaya Kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#167, waxaana kursigaan hadda ku fadhiya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen (Badni)
2: Axmed Madoobe Nuunow Maxamed oo uu dhalay Xildhibaan hore Madoobe Nuunow Maxamed & Cabdinaasir Ibraahim Aadan, kuwaas oo u tartamaya kursiga Hop#099, waxaana kursigaan horay ugu fadhisay Deeqo Xuseen Xasan.
3: Maxamed Sheekh Cabdulaahi (Ciirow) oo ah Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed & Cabdinaasir Cali Xasan ,kuwaas oo u tartamaya kursiga Hop#077, kaas oo uu hadda ku fadhiyo Isgoowe deeroow Isaaq.
4: Luul Ibraahim Cumar, Nasteexo Axmed Nuur, Cabduqaadir Cumar Macalin & Cabduqaadir Aadan Cali ayaa loo diiwaangeliyay inay u tartamaan kursiga Hop#168 oo uu ku fadhiyo Xasan Macalin Xuseen oo meesha laga saaray.