Xiisad ka taagan Magaalada Garbahaarey

26

Waxaa uu shir maanta ugu furmay Magaalada Garbahaarey gaar ahaan xerada Ciidamada howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin Magaaladaas, Saraakiisha Ciidamada AMISOM, Saraakiisha Ciidamada dowladda ee ku sugan halkaas iyo Maamulka degmada Garbaaharey.

Taliska AMISOM Saraakiishooda ugu sarreysa ayaa la sheegay in ay isku dayeen in Magaalada ay geeyaan Guddiga Qiimeynta Xaaladda deegaan doorasho ee Garbaaharey oo shalay maamulka degmada u diideen in ay yimaadaan degmadaas, balse isku dayadaas oo shalay illaa xalay socday ayaa fashilmay sida la xaqiijiyay.

Sidoo kale, Saraakiisha ugu sarreysa Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Garbahaarey ayaa arrintaan walaac ka muujiyay, iyagoo tilmaamay in aysan sameyn karin wax aysan Maamulka degmada iyo kan shacabka halkaa ku nool aysan rabin.

Dhinaca kale, warar ayaa sheegaya in maamulka degmada Garbahaarey ay wadaan qaban qaabada dibadbaxyo ka dhaca degmadas oo ka tirsan Gobolka Gedo, kuwaa oo looga soo horjeedo imaanshaha degmadaas Guddiga Qiimeynta oo uu dhawaan magacaabay RW Rooble.

Sidoo kale, wararka laga helayo degmada Garbahaarey ayaa sheegaya in ay ka taagan tahay degmadaas Xiisad u dhaxeysa Maamulka degmada iyo Saariisha Ciidanka AMISOM ee halkaa ku sugan, kadib markii maamulka degmada ay Ciidamada hubeysan geeyeen Garoonka diyaaradaha degmada, waxaana taalabadaas ka hor-yimid Saraakiisha Ciidamada AMISOM, iyagoo amar ku bixiyay in Ciidamada hubeysan garoonka laga saaro, balse maamulka degmadaas ay ka biyo diideen.

Waxaa muuqato in cirka uu isku sii shareeray khilaafka ka taagan Magaalada Garbahaarey oo ah deegaan doorashada labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Inkastoo aan la ogaan karin halka uu ku dambeyn doono khilaafkaan sii xoogeysanaya.