Putin oo ugu baaqay u diray Ciidamada Ukraine

44

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ugu baaqay militariga Ukraine inay awoodda kala wareegaan xukuumadda Madaxweynaha dalkaasi Volodmry Zelenskyy.

Isaga oo kulan la yeeshay Golaha Amniga Ruushka ayaa codsi u diray Ciidamada Ukraine ee difaacaya dhulkooda.

“Waxaan mar kale ka codsanayaa Saraakiisha militariga ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine: ha u ogolaan neo-Nazis iyo Ukraine xagjirka ah in ay u isticmaalaan caruurtiinna, xaasaskiina iyo odayaashiinna sida gaashaan ahaan,” ayuu yiri Putin.

Waxaa sheegay haddii ay talada wareegaan in ay fududaaneyso wada hadal.

“Awoodda gacantiina ayay ku jirtaa, way noo fududaan doontaa inaan heshiis gaarno,” ayuu raaciyay.

Hadalka Putin ayaa yimid saacado kadib markii Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy uu ku booriyay ciidamada dalkiisa in ay iska difaacaan ​​weerarka Ruushka.