Musharrixiinta kuraas kamid ah Golaha Shscabka oo ka socota Dhuusamareeb

73

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka wada diiwaangelinta musharrixiinta kuraas kamid ah Golaha Shacabka, kuwaas oo doorashadooda beri lagu qabanayo Magaalada Dhuusamareeb.

Guddiga ayaa diiwaangeliyay oo shahaadada Musharixinimo siiyay musharixiinta  kursiga HOP#012, kuwaas oo qaatay shahaadada Musharaxnimo, kuwaas oo kala ah
Yuusuf Xeyle Jimcaale oo kursigaan horay ugu fadhiyay iyo  Caasho Cali Xabeeb.

Guddiga ayaa Maanta soo geba-gabeeynaya diiwaangelinta lixda musharrax ee ku tartami doona kuraasta kala ah Hop-#012 oo uu ku fadhiyo Yuusuf Xeyle Jimcaale, Hop#048 oo uu ku fadhiyo Janeraal Gaafoow, balse loo bedelay qoondo Haween iyo Hop#137 oo uu hadda ku fadhiyo Saadaq Cabdikariin Xaaji Ibraahim.

Maamulka Galmudug ayaa todobaadkii hore shaaciyay liiska kuraas doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Gaalkacyo, waxaana Guddiga doorashooyinka Galmudug la filayaa inay dhawaan shaaciyaan jadwalka doorashada kuraasta taalla Magaalada Beledweyne.