Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Maanta shaaciyay guddiyadda xulista kuraasta kala ah HOP#012, HOP#048, HOP#137 iyo waqtiga la qabanayo Doorashada Saddexda Kursi.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in 24-ka Bishaan oo beri ah la diiwaangelin doono musharrixiinta Saddexda kursi oo doorashadooda ay ka dhaceyso Magaalada Dhuusamareeb 25-ka Bishaan, waxaana kuraasta doorashadooda la qabanayo iyo Xildhibaannada hadda ku fadhiya ay kala yihiin.
1: HOP#012 oo uu hadda ku fadhiyo Xilshibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale
2: HOP#048 oo uu ku fadhiyo dhowrkii sano ee la soo dhaafay Janeraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud balse loo bedelay Qoondo Haween.
3: Hop#137 oo uu ku fadhiyo Saadaq Cabdi Kariin Xaaji Ibraahim.
Maamulka Galmudug ayaa kamid ah maamulada shaaciyay liiska Xidhibaannada lagu dooran doono degaan doorashada labaad balse aan weli dhameyn deegaan doorashada labaad.