Ciidanka dowladda oo sheegay in ay gubeen Saldhigyo ay lahaayeen Shabaab

51

Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ay burburiyeen Saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen gobalka Hiiraan.

Milatariga ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaasi lagu dilay hoggaamiyihii Jamhaddaha ee Al-Shabaab iyo lix kale oo ka mid ah.

Ciidanka dowladda ayaa  soo bandhigay guryo gubanaya oo la sheegay in Al-shabaab ay ku diyaarin jireen qaraxyada.

Deegaanada Ciidanka ay howlgallada ka fuliyeen ayaa kala Fiidoow, Dudubley, Kiliga Shiinaha iyo Burca dheer oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.