Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Shakhbout Bin Nahyaan, isiga oo kula kulmay Magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraadka Cabrabta.
Labada masuul ayaa waxaa looga hadlay xoojinta labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo kordhinta gurmadka Imaaraadka ee dadka Soomaaliyeed ee abaartu Saameysay, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Mucalimow.
Rooble ayaa kulamo ka wada imaaraadka asiga oo la kulmay madaxda dalkaas oo ugu horreeyo Madaxweyne ku xigeenka Isutagga Imaaraadka ahna Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas Maxamed Bin Rashid Ala-Maktoum