Afar kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay Baydhabo

55

Maanta waxaa Magaalada Baydhabo ka dhacday doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Suacabka oo uu kujiro kursiga HOP103 oo horay ugu fadhiyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Kursiga koowaad ee HOP103 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cali Xasan oo ah Wasiirka howlaha Guud & Guryeynta Koonfur Galbeed oo helay Codad dhan 78 halka musharaxii la tartamayey ee mukhtar Cali Ibraahim uu heley Codad  18 Cod,  waxaana halaabay 4 Cod.

Kursigaan HOP-103 ayaa guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku dhawaaqeen inay hakiyeen doorashadiisa, balse Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ay sheegeen in uusan jirin wac dacwo ah oo ka timid sidaasina Maanta doorashadiisa ku qabteen, xilli Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari uu sheegay in loo diiday in uu u tartamo.

Kursiga labaad ee Hop 189 ayaa waxaa ku tartamay Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kursigaan horay ugu fadhiyay & Xasan Cali Maxamed, balse waxaa kursiga ku guuleystay Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo helay 63 Cod Halka musharaxii la tartamayey ee Xasan Cali Maxamed uu heley Codad dhan 11.

Kursiga Saddexaad ee Hop 042 oo ay horay ugu fadhisay Hani Maxamed Aadan, balse meesha laga saaray ayaa waxaa ku tartamay Cabdirisaaq Xaaji Cabdi (Midnimo)  & Maxamed Cali Sheekh, waxaana kursiga ku guuleystay Cabdirisaaq Xaaji Cabdi (Midnimo) oo helay 80 Cod halka musharrixii la tartamayey ee Maxamed Cali Sheekh uu helay Codad dhan 15-cod

Kursigii ugu dambeeyay ee doorashada Maanta ee HOP041 oo uu ku fadhiyay Idiris Cabdi Dhaqtar , laakin meesha laga saaray ayaa waxaa ku tartamay Nuura Mustaf Muqtaar & Muno Aasan Maxamed, waxaana kursiga ku guuleysatay Nuura Mustaf Muqtaar oo heshay Codad dhan 83-cod halka musharaxii la tartamaysay Muno Aadan Maxamed ay heshay Codad dhan 15-cod, waxaana halaabay laba Cod.

Sidoo kale dhawaan ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Baydhabo lagu qabto doorashada Afar kursi oo ka harsan 11 kursi oo guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ay dhawaan sheegeen in doorashadooda la qabanayo.