Maxay Ka Wada Hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble Iyo Duqa Muqdisho?

3

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Camar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa kulan ku yeeshay xarunta Xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan xaaladda dalka gaar ahaan howlaha kala duwan oo uu maamulka gobolka Banaadir iyo dowlada hoose Xamar ka wado Caasimadda, iyo sidoo kale mashaariicda kala duwan ee la fuliyay.

“Waxaa maanta xafiiska igu soo booqday Ra’isul wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo  aan uga warbixiyay howlaha kala duwan oo uu maamulka gobolka Banaadir iyo dowlada hoose Xamar ka wado Caasimadda, iyo sidoo kale mashaariicda kala duwan ee la fuliyay” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qoraal soo saaray kulanka kadib.