Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo wehliyay Wasiirka Amniga Gudaha ayaa galabta kormeeray Xarunta Hey’adda NISA ee Habar Khadiijo.
Waxaa xarunta kusoo dhoweeyay Kusimaha Taliyaha NISA Yaasiin Farey.
Waxaa sidoo kale kormeeray qaar ka mid ah goobaha muhiimka ah hay’adda waxaana uu ka dalbaday saraakiisha hay’adda in ay dardargaliyaan shaqooyinka loo igmaday.
Rooble ayaa sheegay in saraakiisha hay’adda looga baahan yahay in ay ka qeyb ka qaataan sugida Amniga dalka gaar ahaan magaalada Caasimadda ah.
Xarunta Taliska NISA ayaa saddexdii sanno ee uu hoggaankeedu hayay Taliyihii hore Fahad Yaasiin waxay aheyd xarun siyaasadda dalka laga hago oo Madaxda qaar ka mid Dowlad Goboleedyada ugu tagi jireen Taliyihii hore.