Ganaax lagu riday Urur Siyaasadeedka KAAH oo uu guddoomiyaha ka yahay Saciid Deni.

62

War saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Kumeel Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa ganaax lagu riday Urur Siyaasadeedka KAAH, kaas oo uu gudoomiye ka yahay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in Urur Siyaasadeedka KAAH lagu helay inuu ku xad gudbey  xeerka doorashada qodobada 22, 23 iyo jadwalka Guddigu udajiyay ololaha Ururada.

Hoos ka akhriso:-