Xisbiga bidixda dhexe ee Jarmalka oo ku doodaya in uu ka guuleystay xisbiga Angela Merkel

8
Social Democratic Party (SPD) leader and top candidate for chancellor Olaf Scholz reacts after first exit polls for the general elections in Berlin, Germany, September 26, 2021. REUTERS/Hannibal Hanschke

Xisbiga dimuqraaddiga ah ee bidixda dhexe ee lagu wado in uu beddelo hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa qorsheynaya in uu dhiso dowlad dib u heshiisiin ah, kadib markii uu xisbigu ku guuleystay inta badan codadkii laga dhiibtay doorshada baarlamaaniga ah ee dalkaas ka dhacday Axaddii.

Hogaamiyaha xisbiga, Olaf Scholz, ayaa rajeynaya inuu wada shaqeyn la yeesho xisbiyada The Greens iyo xisbiga Liberalka ee Free Democrats.

Waxa uu sheegay in uu rajeynayo in xukuumadda cusub la dhiso kahor fasaxa Kirismaska.

Angela Merkel, oo xilka ka degi doonto kadib ku dhawaad 16-sano oo ay xukunka dalkaas heysay, ayaa si ku meel gaar ah kursiga u sii heyn doonta illaa inta laga shaacinayo dowladda cusub.

Hogaamiyaha xisbiga SPD, Olaf Scholz ayaa sheegay in cod bixiyeyaasha ay fariin cad u direen xisbiga talada haya, taas oo ah in ay isbeddel u baahan yihiin.