Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo kulan la qaatay Xubno ka socday Midowga Yurub.

8

Xubno uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro Ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Qubaro Farsamo oo ka socday Midowga Afrika.

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa warbixino la xiriira habka maareynta doorashooyinka ka dhageystay Xubnihii farsamada ee ka socday Midowga Afrika.

Xubnaha Farsamo ee Midowga Yurub ayaa ku booriyay Guddiga doorasooyinka Heer Federaal iney dardargeliyaan howlaha doorashooyinka islamarkaana ku dadaalan sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo mid ah.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Maxamed Xasan cirro ayaa uga mahad celiyay qubarada  dhanka farsamada ee ka socday Midowga Afrika, Isagoo sheegay iney wax badan faa’iideyn oo la xiriiray Hirgelinta doorasho ku dhacda cadaalad iyo mid Farsamo.

Jadwalka Doorashooyinka Soomaaliya ayaa hadda u muuqdo mid uu ku yimid dib u dhac maadama weli ay Dowlad Goboleedyada qaar ku harsan yihiin Xubnihii Musharixiinta Aqalka Sare ee BFS iyo dib u dhac ku yimid hadal jeedintii Musharixiinta Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi oo maanta qorshuhu ahaa in ay jeediyaan xubnaha khudbadahooda musharaxnimo.