Faah-faahino ka soo baxaya Qarax ka dhacay Sh/hoose

3

Ugu laba qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay mid kalana wuu ku dhaawacmay kadib markii uu Qarax uu ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Afgooye iyo deegaanka Mareerey ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa goobjoogayaal sheegeen in lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo ka yimid dhinaca degaanka Mareereey kuna soo wajahnaa degmada Afgooye.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sidoo kale Ciidamada qaraxa kadib ay fureen rasaas farabadan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada dowladda ee qaraxa lala beegsaday ay howlgallo miino baaris ah ka sameeyeen wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo degaanka Mareereey, halkaas oo dhowr jeer ay qaraxyo ka dhaceen.